Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Pakistan oo la been abuuray saxeexiisa!
    Somalia

    Madaxweynaha Pakistan oo la been abuuray saxeexiisa!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 21, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu saxeexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amniga qaranka.

    Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku soo qoray “Ilaaahay ayaa markhaati iiga ah, ma saxeein [sharciyadan] kala ah, wax-ka bedelka sharciga sirta qaranka iyo wax ka bedelka sharciga ciidamada Pakistan, maadaama aanan taageersanayn sharciyadan” ayuu yidhi.

    Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansixiyey sharciyadan su’aasha la geliyey, ka hor intii aan la kala dirin bishan August 9-keedii, ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodii. Sharciyadan ayaa u baahan saxeexa madaxweynaha si ay dhaqan gal u noqdaan.

    Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku amray shaqaalaha xafiiskiisu, inay sharciyadan dib u celiyaan iyaga oo aan saxeexnayn, hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu maanta ogaaday in qaar ka mida shaqaalaha xafiiskiisu inay iska indho tireen amarka uu siiyey.

    Madaxweynaha Pakistan ayaa sheegay in mid ka mida shaqaalaha xafiiskiisu uu been abuuray saxeexiisa, isaga oo ka dhigaya in madaxweynuhu uu saxeexay sharciyadan.

    Khubarada dhinaca sharciga ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay dhabar jab ku tahay ciidamada milateriga ee awoodda badan, taasoo dalkan u hor-seedi karta qalalaase dastuur.

    Wasaaradda Shuruucda iyo Cadaaladda ee Pakistan oo ka falcelinaysay hadalka madaxweynaha ayaa ku eedaysay inuu si ula kac ah u daahiyey ansixinta shuruucdan, waxayna sheegeen in madaxweynuhuu qaato masuuliyadda arrinaas ka dhalanaysa.

    VOA

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.