Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Pakistan oo la been abuuray saxeexiisa!
    Somalia

    Madaxweynaha Pakistan oo la been abuuray saxeexiisa!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 21, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu saxeexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amniga qaranka.

    Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku soo qoray “Ilaaahay ayaa markhaati iiga ah, ma saxeein [sharciyadan] kala ah, wax-ka bedelka sharciga sirta qaranka iyo wax ka bedelka sharciga ciidamada Pakistan, maadaama aanan taageersanayn sharciyadan” ayuu yidhi.

    Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansixiyey sharciyadan su’aasha la geliyey, ka hor intii aan la kala dirin bishan August 9-keedii, ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodii. Sharciyadan ayaa u baahan saxeexa madaxweynaha si ay dhaqan gal u noqdaan.

    Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku amray shaqaalaha xafiiskiisu, inay sharciyadan dib u celiyaan iyaga oo aan saxeexnayn, hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu maanta ogaaday in qaar ka mida shaqaalaha xafiiskiisu inay iska indho tireen amarka uu siiyey.

    Madaxweynaha Pakistan ayaa sheegay in mid ka mida shaqaalaha xafiiskiisu uu been abuuray saxeexiisa, isaga oo ka dhigaya in madaxweynuhu uu saxeexay sharciyadan.

    Khubarada dhinaca sharciga ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay dhabar jab ku tahay ciidamada milateriga ee awoodda badan, taasoo dalkan u hor-seedi karta qalalaase dastuur.

    Wasaaradda Shuruucda iyo Cadaaladda ee Pakistan oo ka falcelinaysay hadalka madaxweynaha ayaa ku eedaysay inuu si ula kac ah u daahiyey ansixinta shuruucdan, waxayna sheegeen in madaxweynuhuu qaato masuuliyadda arrinaas ka dhalanaysa.

    VOA

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.