Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee degan Kenya (VIDEO+Sawirro)
    Puntland

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee degan Kenya (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019Updated:November 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku bogaadiyay dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo maamuus leh, ayna ku faani karaan dadka Soomaaliyeed.

    https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/2458185817835685/

    Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaraddeena Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsigeenna qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

    “Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.”

    Munaasabadan oo lagu qabtay deegaanka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.