Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo socdaal shaqo ku joga wadanka Zambiya ayaa Aqalka Madaxtooyada Wadanka Zambiya kula kulmay Madaxweyne kuxigenka Zambiya Marwo Mutale Nalumango.

Labada Masul ayaa ka wada hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu weyntahay Arinka ganacsiga İyo Maalgashiga ay somalidu ku sameysay wadanka Zambia.

Madaxweyne kuxigenka Galmudug ayaa uga mahadceliyay Madaxda Zambiya Sida ay u so dhaweyeen Ganacsatada Soomaaliyeed oo Maalgashi aad u balaran ku sameyay Wadanka Zambiya gaar ahaan qaybaha Dahabka ,Gadiidka Iyo Petroleum ka.

Madaxweyne kuxigenka Zambiya Mutale Nalumango ayaa dhankeeda Somalida wadanka Zambiya ku amantay in ay yihiin kuwa Firfircoon oo shaqo abuur Badan Sameyay waxayna balan qaaday in Dowlada Zambiya ay dhiirigalindoonto Ganacsatada Soomaaliyeed ee wadanka Maalgashtay.
