Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka iyo Soomaaliya oo saxiixday heshiis ku kacaya $92.6 milyan
    Somalia

    Mareykanka iyo Soomaaliya oo saxiixday heshiis ku kacaya $92.6 milyan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis horumarineed oo ku kacaya $92.6 milyan, kaasi oo Mareykanka uu ku caawinayo qaar ka mid ah barnaamijyada horumarinta Soomaaliya.

    Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, halka dowladda Mareykanka uu wakiil ka ahaa Shane Dixon, sii hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

    Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in heshiiska uu Soomaaliya ka caawinayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqalaaha iyo dowladnimada iyo awoodsiinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

    Shane Dixon ayaa yiri β€œHeshiiskan waxa uu xoojinayaa 17 sano oo Maraykanku uu caawimaad horumarin siinayo Soomaaliya, aragtideena wadajirka ah ee adkeysiga, iyo sida ay nooga wada go’an tahay mustaqbal barwaaqo ah.”

    Mareykanka ayaa ah dalka kaalmada ugu badan siiya Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka caawiyaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo tababarka ciidamada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.