Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka iyo Soomaaliya oo saxiixday heshiis ku kacaya $92.6 milyan
    Somalia

    Mareykanka iyo Soomaaliya oo saxiixday heshiis ku kacaya $92.6 milyan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis horumarineed oo ku kacaya $92.6 milyan, kaasi oo Mareykanka uu ku caawinayo qaar ka mid ah barnaamijyada horumarinta Soomaaliya.

    Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, halka dowladda Mareykanka uu wakiil ka ahaa Shane Dixon, sii hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

    Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in heshiiska uu Soomaaliya ka caawinayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqalaaha iyo dowladnimada iyo awoodsiinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

    Shane Dixon ayaa yiri “Heshiiskan waxa uu xoojinayaa 17 sano oo Maraykanku uu caawimaad horumarin siinayo Soomaaliya, aragtideena wadajirka ah ee adkeysiga, iyo sida ay nooga wada go’an tahay mustaqbal barwaaqo ah.”

    Mareykanka ayaa ah dalka kaalmada ugu badan siiya Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka caawiyaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo tababarka ciidamada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.