Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland
    Puntland

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 2, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maraykanku si cad,ayuu usheegay in uu ilaalinayo midnimada,madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliya.

    Warkan SL uma ahan mid ay ku farxayso oo wuxuu muujinayaa in Maraykanku uusan ku raacsanayn Israa’iil aqoonsiga SL ay siisay.

    Balse,wuxuu Maraykanku sheegay in xiriirka SL uleeyahay muhiimad weyn markay timaado diblomaasiyada,amniga iyo maalgashiga,meelaha uu Isha ku hayana ay ka mid yihiin Juquraafi ahaan halka ay ku taal ee Marin Biyoodka ah iyo Dekeda iyo garoonka Berbera.

    Sidoo kale,waxay warbixintan muujinaysaa in dadaalkii SL ay ka dhex waday Kongareeska Maraykanka iyo machadyada Trump taageera ay guuldaraysteen.

    Waxay kaloo warbixintan noqonaysaa in ay fashilmeen shaqadii Lobistayaashii Taiwan,Israa’iil iyo kuwii Imaaraadku umaalgeliyay SL ee ka shaqaynayay in ay Trump ka dhaadhiciyaan aqoonsiga SL.

    Warbixintan Dowlada Maraykanka micnaheeda Diblomaasi,waa in Maraykanku soo celiyay siyaasadii Laba Wajiilaynta ee ahayd SL,PL, iyo K& B,(Somalia Dual Track Policy).

    Waxay warbixintan tilmaamaysaa in Maraykanku si toos ah ula macaamiilo doono Deegaan walba oo Somaliyed oo danihiisa Qaran ay ku xiran tahay.

    Todobaad ka hor,waxaa tagay Garowe wefti Maraykan ah oo iskugu jira Siyaasad iyo Milleteri,kuwaasoo PL kala xaajooday Sadex arimood oo waa weyn oo kala ah…..

    1. Amniga oo Saldhig Ciidan ka dhisanayo Bosaso iyo hawlgalkiisa la dagaallanka argagixisada ee Somaliya oo uu PL Xarun uga dhigayo.

    2.Maalgashiga oo Shirkadihiisa Shidaalka iyo kuwiisa Macdantu maalgashanayaan dhulka PL.

    3.Diblomaasiyada oo Qunsuliyad uu uga furanayo Garowe.

    Siyaasadan Laba Wajiilaynta oo horay loo hakiyay,ayaa soo celinteedu,waxay tilmaan utahay fashilka lagala kulmay dhismaha Dowlad dhexe oo Somaliyed oo leh sharciyad adag.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    October 17, 2026

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    October 17, 2026

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    October 17, 2026
    Latest Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.