Xoghayaha guud ee QM ayaa walaac ka muujiyey xaaladda amni darro iyo isku dhacyada hubeysan ee ka dhacay Muqdisho, isagoo sheegay in uu ka xun yahay talaabooyinka dhacay.
“Wuxuu ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay muujiyaan xakameyn xad-dhaaf ah, kana fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta rabshado dheeraad ah, isla markaana ay ku xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed wadahadal.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka QM.

