Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka “Waa qasab in mucaaradka ay qeyb ka noqdaan hanaanka Galmudug”
    Somalia

    Mareykanka “Waa qasab in mucaaradka ay qeyb ka noqdaan hanaanka Galmudug”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Maryekanka ayaa u muuqata inay ka hor-timid qorshaha ay dowladda Soomaaliya Galmudug uga qabaneyso doorasho madaxweyne oo aysan qeyb ka ahayn mucaaradka.

    Qoraal lasoo dhigay barta twitter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safiir Donald Yamamoto uu la hadlay Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo ka mid ah dhinacyada diidan doorashada.

    Qoraalka ayaa lagu yiri “Hanaan siyaasadeed oo mid ah oo laga wada qeyb galo waa waxa u wanaagsan Galmudug, waana u muhiim mustaqbalka Soomaaliya.”

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay qasab tahay in hanaanka ay ka qeyb-galaan mucaaradka.

    “Mucaaradka waa qasab inay qeyb ka noqdaan hanaan lagu kalsoonaan karo. Hoggaamiyenimada dhabta ah, waa in la ogolaadaa wada-hadal iyo isu-tanaasul.”

    U.S. Embassy Mogadishu, Somalia✔@US2SOMALIA

    Amb spoke w/ ASWJ. A single democratic & inclusive political process is best for #Galmudug & critical to the future of #Somalia. Opposition must be part of a credible process. True leadership means embracing dialogue & compromise. #SomaliSolutions4SomaliChallenges483:20 AM – Jan 28, 2020Twitter Ads info and privacy31 people are talking about this

    Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya ayada oo guddiga doorashada Galmudug ee dowladda ay taageereyso ay qorsheynayaan inay berri qabtaan doorasho madaxweyne oo ay ka qeyb-galayaan xubnaha dowladda taageersan.

    Dowladda ayaa wadata musharax Axmed Cabdi Qoor-Qoor, hase yeeshee waxay sidoo kale diiwaan gelisay dhowr musharax oo magac u yaal ah, kuwaas oo isaga u camiraya doorashada.

    Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee Galmudug ayaa ku gacan seeray hanaanka doorashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.