Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka “Waa qasab in mucaaradka ay qeyb ka noqdaan hanaanka Galmudug”
    Somalia

    Mareykanka “Waa qasab in mucaaradka ay qeyb ka noqdaan hanaanka Galmudug”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Maryekanka ayaa u muuqata inay ka hor-timid qorshaha ay dowladda Soomaaliya Galmudug uga qabaneyso doorasho madaxweyne oo aysan qeyb ka ahayn mucaaradka.

    Qoraal lasoo dhigay barta twitter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safiir Donald Yamamoto uu la hadlay Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo ka mid ah dhinacyada diidan doorashada.

    Qoraalka ayaa lagu yiri “Hanaan siyaasadeed oo mid ah oo laga wada qeyb galo waa waxa u wanaagsan Galmudug, waana u muhiim mustaqbalka Soomaaliya.”

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay qasab tahay in hanaanka ay ka qeyb-galaan mucaaradka.

    “Mucaaradka waa qasab inay qeyb ka noqdaan hanaan lagu kalsoonaan karo. Hoggaamiyenimada dhabta ah, waa in la ogolaadaa wada-hadal iyo isu-tanaasul.”

    U.S. Embassy Mogadishu, Somalia✔@US2SOMALIA

    Amb spoke w/ ASWJ. A single democratic & inclusive political process is best for #Galmudug & critical to the future of #Somalia. Opposition must be part of a credible process. True leadership means embracing dialogue & compromise. #SomaliSolutions4SomaliChallenges483:20 AM – Jan 28, 2020Twitter Ads info and privacy31 people are talking about this

    Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya ayada oo guddiga doorashada Galmudug ee dowladda ay taageereyso ay qorsheynayaan inay berri qabtaan doorasho madaxweyne oo ay ka qeyb-galayaan xubnaha dowladda taageersan.

    Dowladda ayaa wadata musharax Axmed Cabdi Qoor-Qoor, hase yeeshee waxay sidoo kale diiwaan gelisay dhowr musharax oo magac u yaal ah, kuwaas oo isaga u camiraya doorashada.

    Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee Galmudug ayaa ku gacan seeray hanaanka doorashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.