Dacaayado raqiis ah,ayay ka sameeyeen diyaaradaaha saadka iyo sahayda uqaaada Ciidamada difaaca PL,iyagoo leh,waxay Hub uqaadaan Sudan oo waa kuwa Imaaraadka.
Dacaayadahaas,waxaa maalgaliya Qatar iyo Turkiga,waxaana fuliya kooxaha Xasan iyo Farmaajo iyo Fahad,waxayna ka duulayaan…
1.Maxay Puntland kaligeed ugu jirtaa dagaalka oo noogu diidan tahay in aan qayb ka noqono si aan kaalmo caalami ah iyo sumcad ugu helno oo isaga reebno fashilka kooxaha khawaarijta ee koonfurta Somaliya aan kala kulanay dagaaladi aan la galnay kuwaas oo ilaa hada meel ay ku danbeeyeen iyo natiijo muuqata laga hayn haday tahay maxaabiis dhul iyo deegaan iyo maydad toona.
2.Maxay Puntland dagaalkaas Caalamiga kaligeed ugu guulaysatay oo saxaafadii iyo indhihii caalamku uhadal hayaan oo Dowladihii waa waynaa ugarab taagan yihiin.
3.Maxay Puntland Dhaawaceeda iyo qorshaheeda dagaal kaligeed iskugu koobtay oo dhaawaceeda ugaysataa meel ka baxsan Somaliya oo Diyaaradaha qaada iyo Dalalka Daaweeya noogala tashan wayday.
4.Maxay yihiin Diyaaradaha yimaada garoonka Bosaso ee sahayda iyo saanada uwada Ciidanka Puntland oo waxa saarana qayb nalooga siin waayay?
5.Horay waxaa is baaro loogy dhigtay dhaawacyada Ciidanka Puntland oo Basaboorada looga xayiray,hadana waa isku day kale oo lagula dagaalamayo gurmadka caalamiga ah.
