Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)
    Somalia

    Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 10, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, November 10, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo furay fadhiga ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL oo akhriska labaad ku sameeyay Wax-ka-bedalka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha, Xeer Lr. 5 ee 18 – Dec- 2010.

    Intaa kadib, Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa Golaha ka hor codsaday in muddo labo maalmood oo dheeraad ah loogu daro horkeenidda xeerka ee Golaha, si ay Guddiga uga baaraan-degaan una sameeyaan la-tashi dheeri ah, si xeerku u noqdo mid isku dheeli tiran sida uu Golaha ka hor-akhriyey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Sharmaarke Cali Cilmi.

    Guddiga oo ka duulaya Qodobka 58, Farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, ayaa ku soo sameeyay akhrintii labaad ee wax-ka-bedalka Xeerka oo lagu wareejiyey November 06, 2021 ayaa kulamo latashi ay la yeeshay qeybo kamid ah Wasaaraddaha Dawladda, Xeer-ilaalinta iyo qeyb ka mid ah Cullimadda Puntland si ay u helaan aragtidooda ku aadan wax-ka-bedelka Xeerka.

    Haddaba, Xeerkan oo muhiimad gaar ah u leh Dawladda & shacabka Puntland, waxaa lagama maarmaan ah in si qoto dheer loo la-faguro, daraasad dhammaystirna loogu sameeyo si wax looga qabto dhibaatada maan-dooriyuhu ku hayo amniga iyo xasiloonida deegaannada Puntland, waxaana Golaha dib loogu soo celin doonaa, maalinta sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 13.Nov.2021.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.