Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo gurmadkii ugu badnaa u dirtay Magaalada Beledweyne+VIDEO
    Puntland

    Puntland oo gurmadkii ugu badnaa u dirtay Magaalada Beledweyne+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019Updated:November 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb galay Xafladda Ambabixinta Gurmadka Puntland u dirtay dadweynaha magaaladda Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu sagootiyey gurmadka loo diray Beledweyne, ku weheliyey xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Maamulka Degmada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Culimo iyo Ganacsato kasoo shaqeysay Gurmadkan iyo qaar ka mid ah Dhallinyaradii doorka ku lahaa.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/785251345259243/

    Gurmadka maanta loo ambabixiyey Beledweyne oo intiisa badan laga soo ururiyey Boosaaso, waxaa uu ka koobanyahay 20 Gaari oo nooca xamuulka qaada ah, oo ay saaranyihiin 12,733 Kiish oo Raashin ah iyo Dhar cusub, waxaa deeqdan laraba in la gaarsiiyo 7000 oo qoys oo ah Walaalaha Fatahaaddu saameysay ee reer Beledweyne.

    Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dadaalka iyo isxilqaanka reer Puntland sameeyeen si loo caawiyo dadka Fatahaadda Webiga Shabeelle saameysay “Waa waajib Dowladd iyo Shacaba saaran qeyb naga mid ah hadii Masiibo ku dhacdo in loo gurmado”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni.

    Wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyey dadweynaha reer Puntland sida ay uga jawaabeen baaqii Dowladdu ay dirtay, isla markaana ay Dowladda ugala shaqeeyeen in la helo Gurmad loo diro Walaalaheena Beledweyne. Si gaar ah wuxuu u xusay Doorkii Culimada, Ganacsatada iyo Dhallinyaradu ay qaateen.

    Gurmadka maanta Beledweyne loo diray oo ahaa kii ugu balaarnaa ee Puntland dirto, waxaa kasii horeeyay 5 gaari oo nooca xamuulka qaada ah oo laga ambabixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.