Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qunsulka Masar ee Somaliya oo soo gaaray Puntland
    Somalia

    Qunsulka Masar ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 17, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey  Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.

     Waftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dawlad goboleedka Puntland, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil kale.

    Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha Puntland iyo weftiga ka Socdey safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan Wasaaradaha Puntland.

    Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay in wafdiga ka socday Masar ay socdaalkooda la xiriirto laba arimood oo ah dhinaca horumarka iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland.

    Qonsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa ku amaanay Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda, gaar ahaan isha dhaqaalaha Puntland ee magaaladda Boosaaso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.