Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii xilka Madaxweynaha
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii xilka Madaxweynaha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 9, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha cusub ee dalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho ah caawa la qaatay murashaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha Somalia.

    Kulan ka dhacay hotel Jazeera oo ah xarunta uu daganyahay mudane Farmaajo, ayaa ujeedkiisa lagu sheegay mahad-celin ku aadan guusha doorashada laga gaaray iyo qaabkii uu Madaxweynuhu u dhiiri galin lahaa saaxiibadiisa garabka siiyay mudadii loollanku socday.

    Inkastoo saxaafaddu dibadda ka joogtay cashadaas, hadana xogaha laga helayo Β cashadaas ayaa sheegaya in xubnahaas kawada hadleen sidii horay loogu sii socon lahaa islamarkaana loo oofin lahaa in dalku yeesho xukuumad tayo leh oo wax ka qabata amniga, abaaraha iyo dib u hishiisiinta.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in dhinacyadaas isla soo qaadeen sidii qaar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha isaga dhex-arki lahaayeen xukuumadda cusub waloow aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta arrintan.

    Waa kulankii ugu horeeyay ee murashaxiinta ku bahoobay isbadal doonku yeeshaan doorashada Farmaajo kadib, waxaana lagusoo beegay maalin uun xilli dalka iyo dibadaba kasocdaan fantasiyo loogu dabaal dagayo guusha laga gaaray doorasho waqti badan qaadatay oo marxalado kala duwan lagasoo maray.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.