Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii xilka Madaxweynaha
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii xilka Madaxweynaha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 9, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha cusub ee dalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho ah caawa la qaatay murashaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha Somalia.

    Kulan ka dhacay hotel Jazeera oo ah xarunta uu daganyahay mudane Farmaajo, ayaa ujeedkiisa lagu sheegay mahad-celin ku aadan guusha doorashada laga gaaray iyo qaabkii uu Madaxweynuhu u dhiiri galin lahaa saaxiibadiisa garabka siiyay mudadii loollanku socday.

    Inkastoo saxaafaddu dibadda ka joogtay cashadaas, hadana xogaha laga helayo ย cashadaas ayaa sheegaya in xubnahaas kawada hadleen sidii horay loogu sii socon lahaa islamarkaana loo oofin lahaa in dalku yeesho xukuumad tayo leh oo wax ka qabata amniga, abaaraha iyo dib u hishiisiinta.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in dhinacyadaas isla soo qaadeen sidii qaar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha isaga dhex-arki lahaayeen xukuumadda cusub waloow aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta arrintan.

    Waa kulankii ugu horeeyay ee murashaxiinta ku bahoobay isbadal doonku yeeshaan doorashada Farmaajo kadib, waxaana lagusoo beegay maalin uun xilli dalka iyo dibadaba kasocdaan fantasiyo loogu dabaal dagayo guusha laga gaaray doorasho waqti badan qaadatay oo marxalado kala duwan lagasoo maray.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.