Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sheekh Shariif oo taageeray go’aanka Beesha Garxajis + Akhriso
    Somalia

    Sheekh Shariif oo taageeray go’aanka Beesha Garxajis + Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 19, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Dawladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa boggaadiyay go’aankii maanta kasoo baxay Isimadda Beelaha Garxajis, oo ay ku sheegeen in aysan qeyb ka aheyn duullaanka Muuse Biixi Cabdi uu ku qaaday Laascaanood iyo xasuuqa shacabka iyo haldoorka Dhulbahante.

    Akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

    Maanta oo taariikhdu ay tahay 19-ka Feb. 2023 waxaan si buuxda u soo dhawaynayaa war-murtiyeedka ka soo baxay Salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha Garxajis, waxaana bogaadinayaa goa’aannada iyo talooyinka ay soo jeediyeen.

    Go’aanada ka soobaxay beesha Garxajis waxay tusaale cad u yihiin in beelaha walaalaha ahi doonayaan inay nabad kuwada noolaadaan, sidaa awgeed waxaan ku kalsoonahay go’aanada iyo talooyinka ay beeshu soo jeedisay inay fursad siinayso nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka walaalaha ah.

    Ugu dambayn, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ay qusayso inay maqlaan baaqa salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha Garxajis, ayna baajiyaan daadashada dhiiga iyadoo lagu jiro bilaha xurmada leh ee diinteenu adkaysay xaaraantinnimada daadinta dhiigga qofka Muslimka ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.