Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taalibaan oo isbaheysi maalgashi la sameysay Iran, Ruushka iyo Pakistan
    Somalia

    Taalibaan oo isbaheysi maalgashi la sameysay Iran, Ruushka iyo Pakistan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 23, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha wasiirka ganacsiga ayaa Arbacadii sheegay in maamulka Taalibaan ee Afghanistan ka dhisan ay isbaheysi la sameeyeen shirkado ay ku mideysan yihiin Ruushka, Iran iyo Pakistan, si ay u dejiyaan qorshe maalgashi oo diiradda lagu saarayo tamarta, macdanta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

    Noordin Azizi ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dalladan ay ku jiraan 14 ganacsato Afghanistaan ah, wasaaraddiisuna ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay shirkado shisheeye kuwaas oo wufuud u soo diri doona Kabul, si ay ugala hadlaan mashaariic ku kacaya ilaa 1 bilyan oo dollar.

    Dhaqaalaha Afghanistan ayaa si aad ah u wiiqmay tan iyo markii Taliban ay la wareegeen 2021, taasoo keentay in beesha caalamka ay joojiso inta badan maalgelinta mashaariicda horumarinta ayna kusoo rogaan cunaqabateyn qaybta bangiyada.

    Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Taliban uu qorsheynayo inuu xoogga saarayo sidii loo dhisi lahaa goobo dhaqaale oo gaar ah, kuwaas oo uu rajeynayo inay soo jiitaan maalgashi shisheeye.

    Shixnadaha saliidda, gaaska iyo sarreenka oo ah heshiis weyn oo Taalibaan la gashay Ruushka sannadkii hore ayaa imaatinkoodu billowday, kuwaas oo ku imaanaya Afgahanistan waddada tareenka dhex mara bartamaha Aasiya, sida uu sheegay ku simaha wasiirka ganacsiga Taalibaan.

    Waxa uu sheegay in lagacaha ay kusoo iibsadeen shixnadahaas ay dhex mareen bangiyada, inkasta oo cunaqabateyntu xaddiday lacago badan oo caalami ah. Ma uusan faahfaafin bangiyada ay isticmaaleen.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.