Oday Trump sida muuqata,wuxuu khatar ku yahay hogaaminta dadka cadaanka ah ee caalamka iyo doorkooda curadnimo ee bulshada aduunka.
Aragti gaaban oo cunsurinimo oo nacayb dad gaar ah xanbaarsan,ayuu la shir yimid Madaxweynihii Maraykanka caalamka hormuudka u ahaa.
Waxay iskala weynaayeen oo ay ka xishoon jireen in ay banaanka lasoo istaagaan madaxda reer Galbeedka,ayuu la soo taagan yahay.
Somalida iyo dalkooda Somaliya ee hooseeya suu sheegay Trump muxuu ugu mashquulshay,isagoo quwadiii caalamka hogaaminaya?
Saw suuq uma samaynayo dadkaas baaba ah oo lama mid dhigayo Wadamada Maraykanku la goos-goosto?
Xisbiga Dimuqraadigu,waxay ku ciyaarsiiyeen Ilhaan,iyagoo uga gol leh in ay muujiyaan caqli yaridiisa,hogaan xumidiisa,akhlaaq xumidiisa,anashax xumidiisa,fudaydkiisa iyo diblomaasiyad xumidiisa.
Trump,waxaa la oran karaa,waa…(Madaxweynihii ugu baratakool xumaa oo soo mara Aqalka-cad).
JQ.
