Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dawlada Puntland oo ku dhawaaqday Beri in ay tahay Soon
    Somalia

    Video:-Dawlada Puntland oo ku dhawaaqday Beri in ay tahay Soon

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Puntland ayaa maanta 26 May 2017 si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinimada berito oo kubeegan  27 May 2017 ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan  ee Ramadaan.

    Wasiirka wasaarada Cadaalada dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo ugu horay ku dhawaaqay xaqiijinta in maalinimada berito ay tahay maalinta koowaad ee bisha ramadaan ayaa sheegay in wasaarada cadaalada Puntland ay wakhti dheer iyo dedaal aan yarayn ku bixisay xaqiijinta bilawga bisha barakaysan ee Ramadaan.

    ‘’Dhammaan waxaan gaadhsiinaynaa shacabka reer Puntland iyo ummaada Soomaliyeedba meel kastay joogaan inay tahay malinimada berito maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, wasaarada cadaalada Dawladda Puntland-na ay wakhti dheer ku bixisay xaqiijinta iyo baadhitaanka bilawga bisha ramaadaan, xalay bishii waa la raadiyey, dalka meel walba waa laga raadiyey waana la waayey kadibna waxaan xaqiijin ugu dhaqaaqnay bisha shabcaan goormay dhalatay?, bisha shabcaan waxay dhalatay maalin khamiisa oo laga arkay sida naloo xaqiijiyey Boosaaso, Beled Xaawo, iyo tuulo lagu magcaabo Suufka oo uu noosoo xaqiijiyey iimaam meeshaa joogaa, anagoo dadkaasi ku kalsoon in bisha shabcaan sodon buuxtahay waxaanu faraynaa shacabka Puntland in la soomo maalinimada berito lana ilaaliyo suu Illahay inoogu waajib yeelay Bisha Ramadaan’’ ayuu yiri wasiirka wasaarada cadaalada Dawladda Puntland.

    Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar camey ayaa dhankiisa sheegay in wasaarada cadaalada Dawladda Puntland ay u xilsaarnayd xaqiijinta bilawga bisha ramadaan, waxaana uu sheegay in ay wakhti dheer iyo dedaal badan ay geliyeen sidii loo xajiijin lahaa bilawga bisha barakaysan ee Ramadaan.

    ‘’wasaarada cadaalada ayaa dawladda uga xilsaarnayd hubinta bisha ramadaan, runtii wakhti bay geliyen sidii ay u ogaan lahayeen una xaqiijin lahaayeen bilawga bisha barakaysan ee ramadaan, dawladdu ma ogolaanayso wixii xaraan ah in lasameeyo hotel furan baan la ogolaanayn, dhirta hoosteeda in lagu qayilo ayaan la ogolaanayn, waxaan is faraynaa wax kasta oo khayr kujiro in lasameeyo’’ ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland.

    Dhinnaca kale, Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal iyo degaanada hoosyimaada in ay ilaashadaan nabada iyo xasiloonidooda isla markaana lajoojiyo colaada laga hurinaayo degaanadaasi, waxaana uu faray ciidamada amaanka dawladda Puntland meel kastay joogaan in ay soo afmeeraan hawshaasi,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.