Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo si dadban uga hor yimid hadalkii Camey carabaabayna in doorasho dhacayso
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo si dadban uga hor yimid hadalkii Camey carabaabayna in doorasho dhacayso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 27, 2017Updated:May 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawlada Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay maanta ,ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qasriga madaxtooyada waxuu kaga hadlay arimo dhawr ah.

    Madaxweyne Gaas oo saxaafada la hadlayay, ayaa wax laga waydiiyay arinta aadka loo hadal hayo ee kordhinta baarlamaanka,isagoo ka jawaabayana waxuu yiri ”Anigu awood uma lihi in aan kordhiyo baarlamanka laakiin waxaan warqad codsiya udiray gudoomiyaha baarlamaanka sirna mahan,baarlamaanka iyo shacabka ayay utaal in ay diidaan ama aqbalaaan,balse waxaan filayaa in laga maarmi doono kordhintaas oo doorasho loo dareeri doono dadkuna codkooda ku ciil bixi doonaan”

    Hadaba jawaabtan madaxweyne Gaas ayaa laga dhex arki karaa dhawr jawaabood oo kala ah:-

    1.In Madaxweyne Gaas ka rajo xun yahay hirgalka  codsigii uu baarlamaanka udiray ee kordhinta xildhibaanada.

    2.In Madaxweyne Gaas uusan ku faraxsanayn hadalkii Camey ee ahaa doorasho ma hirgalin doono xiligan.

    3.In Madaxweyne Gaas wali ku adkaysanayo in uu ka dhabaynayo balanqaadkiisii ahaa doorasho hal qof iyo hal cod ah 2019.

    Dhanka kale waxaa xusid mudan in ay jirto  nuxnux iyo xan hoose oo aan wali soo shaac bixin oo tilmaamaysa in madaxtooyada Puntland ka fakarayso in ay dalbato mudo kordhin gaaraysa hal ilaa labo sano si ay u dhamaystirto hawlaha dimuqraadiyanta ee qabyada ah.

    Taageerayaasha madaxtooyada ayaa u arka wax daw ah in mudada loo kordhiyo madaxtooyada si ay u dhamaystiraan hawlahaas muhiimka ah.halka kuwa kasoo horjeeda u arkaan wakhti lumis iyo dib u dhac lagu samaynayo horusocodkii nidaamka dawliga ah ee Puntland.

    Dadka dhexdhexaadka ah ee aan labada dhinac midna raacsanayn ayaa u arka in labo sano oo madaxtooyada loogu daro xiligeeda hogaaminta dalka ay lagama maarmaan tahay maanta si arimaha muhiimka ah ee taagan iyaguna ay gacanta ku hayaan loo dhamaystiro.

    Isku soo wada bilaha soo socda ayaa la ogaan doonaa halka xaalku ku biyo shubto,iyadoo la ogsoon yahay in durba hada ay bilaabeen siyaasiyiinta reer Puntland u diyaar garawga olalaha doorashada 2019 ee madaxtooyada Puntland.

    Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha oo arintaas ka hadalaya.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/NwDy7e8uMxw

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.