Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Jimmy Carter oo laga walaacsan yahay
    Somalia

    Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Jimmy Carter oo laga walaacsan yahay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, isla markaan lagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel caafimaad “waqtigiisa harsan”, sida ay Sabtidii sheegtay xarunta samafalka ee uu aas-aasay ee the Carter Center.

    Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool, wuxuuna mar ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

    Wuxuu deggan yahay Plains, ee gobolka Georgia, isaga iyo xaaskiisa, Rosalynn. Tuuladaas oo ah meeshii uu ku dhashay, oo uu ka ahaa beerrey lows tacbada, kahor inta aanu noqon guddoomiyaha gobolka Georgia, isaga oo markii dambe halkaas ka billaabay ololihiisa musharaxnimada madaxweynaha ee xisbigaDimuqraadiga.

    “Kadib dhowr jeer oo si kooban isbitaalka loo dhigay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, maanta wuxuu go’aansaday inuu waqtigiisa u haray guriga kula qaato qoyskiisa oo uu helo daryeel caafimaad halkii uu ka heli lahaa dabiib caafimaad oo dheeri ah,” ayay Xarunta Carter ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

    Sannadihii lasoo dhaafay, Carter, waxa uu helayay daaweyn isbitaal oo kala duwan, oo ay ku jiraan markii uu shaaca ka qaaday bishii Agoosto 2015 in uu qabo kansarka maskaxda oo uu sheegay in laga daaweynayo.

    Intii uu madaxweynaha ahaa, Carter, waxa uu sameeyay ballanqaad ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada. Labadii sano ee hore ee xukunkiisa wuxuu ahaa mid loo riyaaqay, waxaana waxqabadkiisii ka mid aheyd dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Masar oo loogu magac daray Heshiiskii Camp David.

    Laakiin maamulkiisa waxa uu la kulmay caqabado badan – kuwaas oo ay ugu cuslayd afduubkii la haystayaashii Maraykanka ee Iran iyo isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu badbaadiyo 52 maxbuus oo Mareykan ah sannadkii 1980kii.

    Bishii Nofembar ee sanadkaas, musharaxa xisbiga Jamhuuriga Ronald Reagan ayaa uga adkaaday Carter codbixinta doorashadii madaxweynaha, taasoo keentay inuu xilka hayo hal xilli.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.