Xamaas,waxay aqbaleen qorshaha Trump ee soo afjarida colaada Qasa,waxayna soo saareen war uqornaa sida tan….
Waxaan ka mahadcelineynaa dadaalka Madaxweyne Trump uu ku soo afjarayo dagaalka.
Waxaan ku heshiinay in lasii daayo dhamaan lahaystayaasha si loo gaaro xabad joojin joogto ah.
Waxaan diyaar u nahay in aan si deg deg ah u galno wada xaajood looga wada hadalayo faahfaahinta qorshahan.
Waxaan ku heshiinay in aan wareejino maamulka Qasa.
Qorshaha Nabada ee Trump oo ka kooban 22- ka Qodob,ayaa,waxaa ka mid ah….
1.In la keeno Qasa Ciidan caalamiya oo Nabad ilaalin oo loogu yeerayo (ISF).
2. In Qasa uu maamulo nidaam caalamiya oo ay Gudoomiyayaal ka noqonayaan Dad Magac leh oo ay ku jiraan Yony Blair Rw hore ee Uk iyo Me Trump.
3.In Qasa noqoto goob Milleteriga ka caagan oo Maraykanka iyo Sxb-diis ay dib udhis ku sameeyaan.
4.In ugu danbayn Qasa la hoosgeeyo Dowlad Madaxbanaan oo reer Falastiin leeyihiin ( Palestine State).
Qorshaha Trump,waxaa soo dhaweeyay dhamaan Wadamada Islaamka,Carabta iyo Caalamka kale.
Waxaa kaloo aqbashay Dowlada Israa’iil marka laga reebo Qodobka Dowlad ay yeeshaan reer Falastiin.
Dadka reer Falastiin?
Waxay u arkaan gumaysi cusub oo loogu adeegayo Israa’iil oo aysan iyaga dan ugu jirin lkn ay ku khasban yihiin,isla markaana doorasho kale aysan haysan.
Xamaas aqbalaadeeda,ayaa loo arkaa mid ku timid cadaadis kaga yimid dhinacyo kala duwan,balse markay dhinteen 70- kun oo Shacab ah in ay qaataan Nabada,waxay ku tahay fashil qadiyadii ay ku dirirayeen.
Trump,waxay utahay guul siyaasadeed in uu hirgalo qorshihiisa soo afjarida colaada Qasa ee ay ku naf waayeen ku dhawaad 70- kun oo ubadan Dumar iyo Caruur.