Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xassan Sheekh oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in $1 dollar lagu taageero dagaalka Al-Shabaab
    Somalia

    Xassan Sheekh oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in $1 dollar lagu taageero dagaalka Al-Shabaab

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhaqaale ahaan ka qeybgalaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana uu qofkiina hal dollar ugu deeqo dowlada, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta.

    “Iyada oo ay si habsami leh u socdaan howllada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in qofkiiba uu hal dollar ku darsado barnaamijka difaaca dalka ee xoreyna dalka looga xoreynayo Khawaarijta,” ayuu Daa’uud Aweys.

    Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafintu in tallabadan madaxweynuhu ku dhawaaqay ay tahay ‘mid lagu dardar gelinayo howlgallada lagu cirib tirayo Khawaarijta, iyo in shacabka fursad loo siiyo howlgallada ka dhanka ah kooxdan.’

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer oo hore shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

    โ€œWaxaan idiin kugu baaqayaa reer Muqdisho, Khawaarijtu waa idinku dhexjiraan… ee iska saara, guryihiina ayay ku jiraan, waa deriskiina, baabuur ayay idin ku dhex maraan,โ€ ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud mar uu bartamihii bishii hore ee Januray la hadlay dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxay bannaanbax ay soo qaban qaabisay dowladda oo looga soo horjeeday maleeshiyada Al-shabaab oo lagu qabtay garoonka ciyaaraha Ing. Yariisow.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.