Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»160-Arday oo ka qalanjabiyay jaamacada PSU Garowe
    Somalia

    160-Arday oo ka qalanjabiyay jaamacada PSU Garowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 159 arday oo dhammaystay lix kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda Puntland State University (PSU).

    Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, xildhibaano, maamulka Jaamacadda, macaliin, xubno ka socdey jaamacadaha Puntland, ardayda Jaamacadda, waalidiin, ganacsato, qurba joog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda PSU Axmed Shire oo ugu horayn munaasabadda ka ahdlay ayaa sheegay in ardaydaani ay soo dhammaysteen dhammaan wixii looga baahnaa, isla markaana 102 kamid ah ay ka shaqeeyaan xarumo kala gedisan, ayna u diyaarsan yihiin inaysan shaqo raadsan laakiin ay shaqo abuur sameeyaan.

    Qaar kamid ah ardayda qalin jebisey oo soo bandhigay farxaddooda ayaa u mahadceliyey cid walba oo ka qayb qaadatay waxbarashadooda, waxaana ay balanqaadeen in wixii ay barteen ay dalka dib ugu celin doonaan.

    Ganacsato, waalidiin, qurba joog, abwaaniin iyo xubno kale oo kahadlay munaasabadda ayaa u hambalyeeyey ardayda waxaana ay ku booriyeen inaysan tahriibin, waxbarashadoodana sii wataan.

    Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro Abshir Awyuusuf Ciise oo hambalyo u diray ardayda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin kale oo farxadi u soo hoyatey dowladda iyo dadka Puntland, wuxuuna ardayda ku booriyey inay waxbarashadooda sii wataan.

    Ugu dambayntiina gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi oo soo xiray xafladda ayaa balanqaaday in dowladdu ay waxbarashada dhiirigelin doonto, wuxuuna shahaadooyin gudoonsiiyey ardayda qalin jebisey.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    October 13, 2026

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    October 12, 2026

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    October 12, 2026
    Latest Posts

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.