Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»160-Arday oo ka qalanjabiyay jaamacada PSU Garowe
    Somalia

    160-Arday oo ka qalanjabiyay jaamacada PSU Garowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 159 arday oo dhammaystay lix kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda Puntland State University (PSU).

    Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, xildhibaano, maamulka Jaamacadda, macaliin, xubno ka socdey jaamacadaha Puntland, ardayda Jaamacadda, waalidiin, ganacsato, qurba joog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda PSU Axmed Shire oo ugu horayn munaasabadda ka ahdlay ayaa sheegay in ardaydaani ay soo dhammaysteen dhammaan wixii looga baahnaa, isla markaana 102 kamid ah ay ka shaqeeyaan xarumo kala gedisan, ayna u diyaarsan yihiin inaysan shaqo raadsan laakiin ay shaqo abuur sameeyaan.

    Qaar kamid ah ardayda qalin jebisey oo soo bandhigay farxaddooda ayaa u mahadceliyey cid walba oo ka qayb qaadatay waxbarashadooda, waxaana ay balanqaadeen in wixii ay barteen ay dalka dib ugu celin doonaan.

    Ganacsato, waalidiin, qurba joog, abwaaniin iyo xubno kale oo kahadlay munaasabadda ayaa u hambalyeeyey ardayda waxaana ay ku booriyeen inaysan tahriibin, waxbarashadoodana sii wataan.

    Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro Abshir Awyuusuf Ciise oo hambalyo u diray ardayda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin kale oo farxadi u soo hoyatey dowladda iyo dadka Puntland, wuxuuna ardayda ku booriyey inay waxbarashadooda sii wataan.

    Ugu dambayntiina gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi oo soo xiray xafladda ayaa balanqaaday in dowladdu ay waxbarashada dhiirigelin doonto, wuxuuna shahaadooyin gudoonsiiyey ardayda qalin jebisey.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.