Hot Topics

20.000-kun oo Geed oo lagu Beeray Puntland

Garoowe: 28 April 2024 : Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa daah-furay todobaadka dhiraynta Puntland oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa Geedkii u horeeyey ku beeray xarunta Wasaaradda, isaga oo xusay muhiimada dhirtu u leedahay bilicda magaalooyinka iyo guud ahaan deegaankaba.

Todobaadkan ayaa la qorsheeyey in deegaannada Puntland lagu beero in ka badan Labaatan Kun oo Geed (20,000) si looga hortago xaalufka deegaanka, sidoo kale waxay dowladdu joojisay dhirta qoyan ee loo jarayo si xaabo looga dhigto taas oo lagu ogaaday daraasad ay samaysay Wasaaradda Deegaanku.

Munaasabadda waxaa Madaxweyen Ku-xigeenka kala qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Wasiirka Deegaanka, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiiru dowladalaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.