Bush”Waa in la baaraa xiriirka Trump iyo Ruushka

030114-O-0000D-001 President George W. Bush. Photo by Eric Draper, White House.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush ayaa sheegay in Ameerika ay u baahan tahay jawaabo la xiriira baaxadda ay leeyihiin xiriirrada u dhaxeeya kooxda madaxweyne Trump iyo Ruushka.

Waraysi uu siiyey NBC ayuu ku sheegay inuusan hubin in tani ay u baahnaanayso in la magacaabo dacwad ooge gaar ah, sida ay dalabanayaan qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimoqaraadiga.

Mr. Bush wuxuu kaloo difaacay saxaafadda xorta ah oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin dimoqraadiyadda.

Madaxweyne Trump ayaa ku shabbadeeyey hay’adaha warbaahinta ee afka dheer inay yihiin “cadawga shacbiga”, wuxuuna ku adkaystay in wararka sida aan haboonayn ula xiriirinaya Ruushka inay yihiin “warar been abuur ah”.

George Bush ayaa xayeysiinayey buug uu qoray oo la magac baxay Portraits of Courage: A Commander in Chief’s Tribute to America’s Warriors, kaasoo lacagta ka soo xaroota lagu caawin doono askartii maraykanka ee shaqaynaysay ka dib weerarradii 9/11 iyo qoysaskooda.

Be the first to comment on "Bush”Waa in la baaraa xiriirka Trump iyo Ruushka"

Leave a comment