Video+Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray kaydka Haamaha Shidaalka Garoonka Diyaaradaha Bosaso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta 28 February 2017 xadhiga ka jaray dhismaha kaydka shidaalka diyaaradaha ee Shirkada ‘’DS’’, waxaana uu dhismuhu ku dhexyaalaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso International Airport.

Xadhig ka jarka dhismaha cusub ee kaydka shidaalka diyaaradaha ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, gudoomiyaha gobolka Bari, masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

kadib  Kormeerka iyo Xadhig ka jarka dhismaha kaydka shidaalka diyaaradaha ee shirkada ‘’DS Aviation Fuel Company’’ayaa waxaa uu Madaxweynuhu ku amaanay masuuliyiinta shirkada “DS” waxqabadka iyo ganacsiga hurumarineed ee ay ka fuliyeen Dalkooda, isla markaana ay geliyeen muruq iyo maalba sidii ay kaydkan shidaal uga hirgelin lahaayeen Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mahad balaadhan u jeediyey ganacsatadda iska kaashatay hirgelinta shirka “DS Aviation Fuel Company’’  ’’ waxaana uu Madaxweynuhu ku tilmaay inay Puntland u tahay Mustaqbal fiican iyo horleh, isla mar’ahaantaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in Dawladdu markasta garab taagan tahay cidwalba oo danaynaysa maalgashiga dalkooda, isla markaana ay dawladdu ku amaanayso shacabkeeda ka midha dhalinta halku dhiga “ PUNTLAND HA ISKU TASHATO’’.

Madaxwenaha ayaa intaasi raaciyey in gaaroonka caalamiga ah ee Boosaaso International Airport uu yahay garoon laysku halayn karo maadaama ay wax weyn ku soo kordhisay shirkada shidaalka diyaaradaha ee “DS Aviation Fuel Company’’ ”, waxaana uu madaxweynuhu shaaciyey in garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe heer gebageba ah marayo taasina ay guulwayn u tahay Dawladda Puntland iyo shacabkeeda.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo ay hirgelin doonaan shirkada “DS Aviation Fuel Company ” taas oo ay ugu talagaleen inay ka sameeyaan kaydka weyn oo lagu kaydin doono shidaalka diyaaradaha.

 

 

Be the first to comment on "Video+Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray kaydka Haamaha Shidaalka Garoonka Diyaaradaha Bosaso"

Leave a comment