Falanqayn Kalsooni siinta Baarlamaanka ee Ra’isalwasaare Khayre

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa u codeysay 231 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka maanta ku suganaa.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lagu dhaariyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii la siiyay codka kalsoonida.

Ra’iisul wsaaraha cusub ayaa haysto 30 maalmood oo uu ku soo magacaabo gole wasiiro. Waxaa laga doonayaan inuu baarlamaanka u gudbiyo golaha wasiirada iyo barnaamijka ay ku shaqeyndoonaan, ugu dambeyn 30-ka bisha Maarso.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ansixinta ku tilmaamay mid muujineyso in midnimada Soomaaliya ay soo noqotay.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay hadda Afrika kaga hormartay dhinaca dimuquraadiyadda.

Mar uu ka hadlay Al-shabaab wuxuu yiri “Alshabaab waxay ku taagan tahay hal lug, middasna waan u bixineynaa”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in talada shacabka ay ku shaqeyndoonto dowladdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dad lagaga tiro badan yahay qabiil aysan jirin maanta ka dib.

“Xisbi ayaa lagaaga tiro badanayaa, qablaayad qof looga badan yahay ma jirto”, ayuu yiri madaxweynaha.

Be the first to comment on "Falanqayn Kalsooni siinta Baarlamaanka ee Ra’isalwasaare Khayre"

Leave a comment