Midowgii Danwadaagta,WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash

Midowgii Danwadaagta
 
“If a man has money, it is usually a sign, too, that he knows how to take care of it; don’t imagine his money is easy to get simply because he has plenty of it.”
 
“Haddii qof hantiile yahay, waxaa lagu yaqaan in uu garanayo sida loo ilaashado hantida; marna ha ku fekerinnina si fudud in hantidaa wax uga heshaan maaddaama uu haysto hanti badan.”
 
Edgar Watson Howe [1853 – 1937]
 
“Companies should not have a singular view of profitability. There needs to be a balance between commerce and social responsibility… The companies that are authentic about it will wind up as the companies that make more money.”
 
“Shirkadaha waxa looga digayaa in ay ujeeddo ka dhigtaan faa’ido sameeysi oo qudha, balse waa in la isu dheellitiro ganacsiga iyo u gargaaridda bulshada. Shirkadaha ay taasi daacad ka tahay ayaa lacag badan sameeya.”
 
Howard Schultz [Born July 19, 1953]
 
Maxay Rugta Ganacsigu Qabataa?
 
Rugta Ganacsigu waa hay’ad shakhsiyado ku midoobeen oo isugu jira ganacsato caadi ah iyo warshadleey si ay danahooda u difaacaan iyo sidii wada jir uga shaqeeyn lahaayeen waxay hiigsanayaan. Ganacsatada bakhaarleeyda ah, kuwa warshadleeyda ah, bangiyada, shirkadaha caymiska, ganacsatada
dibedaha wax u dhoofisa iyo kuwa wax soo dejiya, iwm, dhammaantood oo isu tagay kuna midoobay, ayay ka dhalataa asaaska rug ganacsi. Puntland waxay leedahay rug ganacsi gaamuurtay oo shaqeeysa waana rugtii ugu horreeysey laga asaaso Soomaaliya dagaalladii sokeeye kaddib. Waxaa la asaasay Jannaayo 2000, waana xarunta guud ee ku taal Magaalammadaxda Ganacsiga Puntland, Boosaaso. Xilligaas waxaa Puntland madaxweyne ka ahaa, Eebbe haw naxariisto, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxay ahayd tallaabadii rugta lagu asaasay mid horumar keentey.
 
Waa Maxay Sababta Rug Ganacsi Loo Asaaso?
 
Sababta loo asaaso waa sidii bulshada ganacsatada ahi u heli lahayd meel ay kaga hadlaan dhibaatooyinka saameeynta ganacsiga ku yeesha.
 
Ujeeddada asaasiga rug ganacsi loo asaaso waxaa weeye in la difaacdo danta guud dhammaan xubnaha ka midka ah rugta ganacsiga.
 
Ganacsatada qaangaarka ah kama laballabeeyaan ka mid noqoshada rugaha ganacsiga, xitaa haddii kashifaad sir ganacsi ay keeneeyso. Haddaad akhrido taariikhda rugta ganacsigu waa mid facweyn. Rugtii dunida ugu horreeysey la asaaso waxay dhalatay 1599 (shan boqol oo sano ka hor). Waxaa laguyagleeley magaalada Marseille, dalka Faransiiska. Xilligaas caalamka kama jirin rug ganacsi lamana aqoon. Boqol sannadood kaddib, waxay ilbaxnimadaasi ku fiddey Yurubta kale, sida Spain, Netherland, Deutschland, iwm. Dalalka Yurub rugahooda ganacsi waxay ka koobanyihiin qaybo kala dudduwan. Qayb kasta waxay qaabbilsantahay siday ku horumarin lahayd hawlaha ganacsi ee qaybteeda ah. Bayacmushtarka, warshadaha wax-soo-saara, waxay bixiyaan shahaadooyin aqooneed. Waxay qaadaan imtixaanno xirfadeed oo shaqooyin lagu helo. Waxay horumariyaan xirfadaha ganacsiga, iwm. Rugta waxaa shaqadeeda ka mid ah, in ay soo ururiso dhammaan xogaha kala dudduwan, xaaladda ganacsi ka jirta magaalo, sida Boosaaso, Qardho, Garoowe, Gaalkacyo, iwm. Ama gobol sida Bari, Karkaar, Gardafuu, Nugaal, Mudug, iwm. Ama Dal sida Itoobiya, Kiinya, Jibuuti, UAE, Yemen, iwm. Waxay kaloo soo ururisaa macluumaadka meeshii suuq ganacsi dahabi ah leh. Macluumaadkaas kore waxa adeegsada ganacsatada iyo shirkadaha rugta xubnaha ka ah, waxayna u adeegsadaan in ay ka guul gaadhaan ujeeddooyinkooda asaasiga ah, sida horumarinta ganacsigooda.
 
Maxaa lacago fara badan laga sameeyn karaa?
 
Inta badan ganacsatada ka bayacmushtarta xawaaladaha, bangiyada iyo ganacsiga caalamiga, sida wax-dhoofinta iyo wax-soo-dejinta kuwaas ayaa ah dhabtii tijaartu.
 
Waxyaallo taxaddar badan u baahan
 
Ganacsato badan ayaan ka taxaddarin lacagtooda si aysan uga LUMIN ilaa marka ay sii kacayaan mooyee. Taasi maahan taxaddar in goor xeedho iyo fandhaal kala dhacaan hurdada laga soo baraarugo. Waxaa muhiim ah in mar kasta ganacsatadu isha ku hayaan xaaladda ganacsigooda, si markii ay khasaaro timaaddo biloowga u sameeyaan dadaalkii loo baahnaa oo markaas doonida lagu badbaadinayo, wax kicitaanka ka khatarsanna ma jirto.
 
Ganacsadaha wanaagsan waxa weeye mid taxaddar badan, si marna lacagtu uga luminnin. Wuxuu mar kasta maanka ku hayaa iyada ilaalinteeda.
 
Badanaa, haddaad ganacsade tahay, way adagtahay in aad hesho qof aad lacagta ku aamminto, waayo waxa badan inta doonaysa in ay wax kaa dhacdo. Qof kasta wuxuu rabaa in uu qayb ku lahaado waxaad sameeynayso. Runtii taasi waa arrin mixnad ah.
 
Haddii aad doonayso in si wanaagsan macaamiishaada ugu adeegto waxa muhim ah in daacadnimo iyo hufnaan lagugu barto. Waa tii xikmaddu tiraahdo, waxa ugu wanaagsan waa awoowaha iyo ayeeyada carruurta jiilasha dambe dhaxal uga tagaan ma ahan lacagta ee waa tarbiyadda wanaagsan iyo caqiidada suubban. Kalsoonida macaamiishaada oo la kasbado ayaa ka muhiimsan lacagta.
 
Haddii UJEEDDADAAD U SHAQEEYNEEYSO TAHAY lacag hel oo qudha, hubaal weeye in aad fashilmayso. Haddiise aad jeceshahay waxaad sameeyneeyso, mar kastana macaamiisha muhiimadda koowaad sii oo wax kasta ka hormari, kolkaa ganacsiga waad ku guuleeysanaysaa.
 
Waxaa cilmiga casriga ah ee maareeynta ganacsiga macaamiisha kolka lala dhaqmayo lagu tusaaleeyaa in ay yihiin boqorro oo kale (the customer is the King).
 
Ganacsigu waa xalka dhibaatooyinka saboolnimada iyo macaluusha bulshada haysata
 
Haddaba ganacsadihii gaadha guul marka hore ha u mahadnaqo Eebbe, kaddib ha ogaado in Eebbaha awoodda badan uu siiyey maalkaas badan, hana xasuusnaado in maal badnidu micnaheedu ahayn dadka kale in laga caqli badanyahay ama laga sarreeyo ama wax kale gooni ah dadka la dheeryahay. Marka xiga, waxaa saaran mas’uuliyad weyn in lala yimaado dadaal badan si dadka baahan loo caawiyo. Xaashaa, kama wado cid gacmaha ha u hoorsato, in kastoo muhim tahay oo meesha ku jirto saddaqada, laakiin waxaan ujeedaa in ganacsatadu dadka baraan xirfado shaqo.
 
“You give a poor man a fish and you feed him for a day. You teach him to fish and you give him an occupation that will feed him for a lifetime.” (Chinese Proverb)
 
“In qof kalluun la siiso iyo in kalluunka sida loo jillaabto la baro si berri kalluun uu u soo qabsado, waxaa habboon in la baro si berrito uu u soo jillaabto.” (Maahmaah Shiine ah)
 
Dawladda keliya ma ay xallin karto dhammaan dhibaatooyinka bulsho, dhaqaale, maammul, siyaasad, amni, ee waa in dhammaan bulshada, dawladda iyo ganacsatada si wada jir ah isaga kaashadaan si guul loo gaadho (cooperation).
 
Dalalka adduunka maammul wanaagga iyo isla-xisaabtanku ka jiro, saboolnimada waxay u arkaan ceeb, halka dalalka maammul-xumidu iyo isla xisaabtan la’aantu ka jirto, sida dalalka Afrika waxay barwaaqada u arkaan ceeb.
 
Marka ummad barwaaqada u aragta wax xun, su’aashu kolkaa waxaa weeye: sidee ugu baraarugayaan saboolnimadda in ay ka baxaan? Mase tahay caddaalad in dhaliisha iyo dawladaha oo qudha la huwiyo?
 
Sida lagu gaadhi karo barwaaqo, iskaashi ka sokow, ayaa dhexmara dhammaan bulshada, dawladda iyo ganacsatada, iyagoo leh ujeeddo qudha oo ah in saboolnimada laga wada guulaysto, haddii taas laga ambaqaado micnaheedu waa in cid walbaayi guulaysatay.
 
Waxbarashadu waa dariiq muhim ah oo lagu soo afjari karo saboolnimada. Bal ka feker, qof kasta oo wax bartay ma ahan taajir. Hayeeshee, qof kasta oo
 
wax bartay wuxuu u badanyahay wax-soo-saare. Si kale haddaan u dhigo, waa qof shaqo haysta, taas oo ka saartay saboolnimada. Sharaf, xurmo iyo nolol wanaagsan isaga iyo carruurta uu dhalayba haysta. Sidaa darteed, waxbarashadu waa xalka asaasiga ah ee saboolnimada lagula dagaallami karo.
 
Gargaarka bini’aadannimo xal uma ahan dhibaatada saboolnimada iyo macaluusha. Waxa laga helo waa cunto iyo dawo. Waxayna u qorsheeysanyihiin muddada gaaban ee loogu talaggalay.
 
Si loola dagaallamo saboolnimada waxa loo baahanyahay qorshe ballaaran oo muddo dheer soconaya (long term planning), si loo abuuro fursado dadku ka helaan shaqooyin iyo dakhli si loo daboolo baahiyada, mid qoys iyo mid bulsho, iyada oo haweenka iyo dhallinyarada la siinayo mar walba muhiimad weyn (priority).
 
Saboolnimadu waxay leedahay heerar kala dudduwan. Heerka ugu hallisan waxa loogu yeeraa saboolnimada heerka ugu hooseeya (below poverty line). Ciddii dakhligeedu maalintii yahay hal Doollarka Maraykanka ah, ayaa ku nool heerka loo yaqaan saboolnimada heerka ugu hooseeya, waana marxalad aad khatar u ah. Tirada dadka ku nool saboolnimada heerka ugu hooseeya adduunka, wadar guud, waa hal bilyan oo qof (1000.000.000). Waxay dadkaasi ku nool yihiin dalalka ku yaal qaaradaha Afrika, koonfurta Aasia iyo Laatiin Ameerika.
 
Saboolnimadu hayb ma lahan ceebna ma ahan. Adduunka oo dhan waxaa ka jirta saboolnimo, waxaana ku nool oo laga helayaa dad sabool ah oo xitaa dalalka hodanka ah sida Jabbaan, Jarmalka, Maraykanka, Awstaraaliya, iwm. Hayeeshee, saboolnimadoodu aad bay uga duwantahay tan Afrika ama Koonfurta Aasia ka jirta. Waxaa weeye mid aan darnayn (relative poverty) marka loo barbardhigo saboolnimada halista ah ee ka jirta dalalka Afrika iyo Aasia oo xitaa mararka qaar gaadha heer macaluul iyo dhimasho. Sida imminkaba wararka ka imaanaya Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah dalka Itoobiya ay sheegayaan in macaluul dhimasho ahi jirto.
 
Waxaan Rugta Ganacsiga Puntland kula talin lahaa:
 
* Waa in xiriir joogto ah la yeelato xukuumadda lana socodsiiyaan haddii sharciyada iyo qawaaniinta ganacsiga lagu dhaqo aysan u fiicnayn ganacsiga, maxaa yeeley sharciyada iyo qaanuunnada waxay saameeyn ku yeeshaan ganacsiga;
 
* Waxa saaran waajib in xukuumadda ku biirshaan wixii talooyin ah si markaas wada jir dhammaan qaybaha khuseeya uga qayb qaataan marka sharciyada, qaanuunnada isbeddel iyo dib-u-eegis lagu sameeynayo ama marka kuwo cusub la soo saarayo si loo helo wax lagu dhaqmi karo oo la taaban karo (practical) iyo wax faa’ido badan laga heli karo (more useful);
 
* Waa in ay qabataa kulammo kala dudduwan sida, in ay la kulanto wasiirrada iyo sarkaallada sarsare ee kale ee dawladda ee muhimka ah, iyadoo ujeeddadu tahay sidii wada hadallo furan looga yeelan lahaa dhibaatooyinka hakiyey horumarka ganacsiga Puntland;
 
* Waa in kor loo qaadaa heerka wacyiga ganacsatada, si taas loo gaadho waa in la soo saaraa wargeys maalinle ama toddobaadle ah, si ay uga faa’ideeystaan xubnaha ganacsatada rugta;
 
* Waa in ay soo saartaa warbixinno ku saabsan macluumaadka iyo wararka sayladaha (market news). Tani waxay waxtar u tahay ganacsatada oo ogaanaysa fursadaha ganacsi ka jira Puntland gudaheeda, dalalka deriska ah iyo dalalka xiriirka ganacsi ee faca weyn Puntland la leh;
 
* Waa in si dhexdhexaad ah oo caddaalad iyo karti ku dhisan u xallisaa khilaafyada ganacsatada rugta xubnaha ka ah soo kala dhex marta (arbitration). Ganacsatada dhankooda waxaa saaran waajib. Waa in ay yeelaan go’aammada garta ah. Haddii kale, waxa xumaanaya xiriirka ay la leeyihiin rugta;
 
* Waa in rugtu dakhliga soo gala u soo bandhigtaa xubnaheeda;
 
* Waa in ganacsatada xubnaha ah la diiwaan geliyaa (registeration). Waa in rugtu bixisaa haddii la soo dalbado macluumaadka xubnaha iyo waxa ay ka ganacsato. Waa in rugtu lagala soo xiriiri karo Puntland gudaheeda iyo dibaddeeda;
 
* Waa in xiriir wada shaqeeyn oo dhow la yeelato ururrada dhallinyarada si ay ugu wacyigeliso muhimadda iyo kaalinta ganacsigu kaga jiro bulshada maanta joogta.
 
Isku soo wada duub, Rugta Ganacsiga Puntland waxay qaadi kartaa tallaabooyin badan oo uu ganacsigu u baahanyahay si loo horumariyo ganacsiga iyo si loo difaaco danta guud ee ganacsatada.
 
Adeegga caafimaadku wuxuu ka mid yahay xuquuqda aadanaha. Muhiimadda nolosha aadanuhu waa caafimaadka, ee ma ahan lacagta ama shaqada. Taas mar kasta tixgelin gaar ah in la siiyo weeye, gaar ahaan qofkii da’diisu lixdan kor u dhaaftay waa in uu ka welwelaa xaaladda caafimaadkiisa.
 
Caafimaadku ma ahan ganacsi, waa dan guud. Sidaas darteed, waxaa roon in adeegga caafimaadka aan gaadh loo yeelan ama haddii kale waa in dawladdu ka bixisaa kharashka caafimaadka dadka saboolka ah, dadka shaqeeya ee canshuurta bixiyana helaan adeeg caafimaad oo bilaash ah. Nidaamkan wuxuu ka jiraa dalal badan adduunka ah, gaar ahaan kuwa hodanka ah. Waa arrin ku dayasho mudan (role model).
 
Soomaaliya waxay noqonaysaa meel hagaagsan, haddii weeye ay hesho hoggaamiye, mudane ama marwo kuu doono ha ahaadee, hase ahaatee aad u aragti fog
 
Sideedaba madaxdii gacan bir ah wax ku xukunta waa madax aan caaddil noqon karinnin. Madaxdii aan u dulqaadan karin kala duwanaanshaha aragtiyada siyaasadeed iyo dhaliisha waa madax xasilloonida guud khatar ku ah (potentially dangerous leaders). Taariihkda adduunka waxaa laga bartay cashar muhim ah. Madaxdii lahayd dhaqanka ah in awoodda oo dhan iyo talada kelidood ama koox yar ku koobaan waxa taasi sababtay nacayb iyo saluug muddo dheer socday oo kaga yimid shacabkii ay xukumayeen, haddii qofka madaxda ahi si kasta oo shacabku u yihiin kuwo xin iyo xasad badan uu mabda’ wanaagsan fulinayo, wuxuu dadweynuhu ku khasbanaanayaa in xukunkiisa ay aqbalaan – in ay aqbalaan ayaana wanaagsan.
 
Midda kale marka dadku afka ka yidhaahdaan heshiis nabadeed ama mid siyaasadeed baannu gaadhnay, kaddib wax la dilo ama jirto khilaaf siyaasadeed, dadku waa in ay iska hubiyaan in taasi dhab ka tahay oo qalbigooda ka daaddagtay, haddii kale heshiis kasta oo la gaadho mira-dhal noqon maayo (hal bacaad lagu lisey weeye). Waxaa muhim ah in la garto, nabaddu ma ahan haddiyad cirka ka soo dhacda ee waa haddiyad bani’aadanku dhexdiisa isugu deeqo. Haddiyad weeye qiimaheedu aad qaali u yahay.
 
Yaasiin Cabdullaahi Faash

Be the first to comment on "Midowgii Danwadaagta,WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash"

Leave a comment

 
%d bloggers like this: