Bahda idilnews oo qayb ka noqotay dadka ka Damqaday Xasuuqii Somalida ee Yemen

ATTENTION EDITORS - VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATH A Yemeni police officer stands near the bodies of Somali refugee, killed in attack by a helicopter while travelling in a vessel off Yemen, at the Red Sea port of Hodeidah, Yemen March 17, 2017. REUTERS/Abduljabbar Zeyad TEMPLATE OUT TPX IMAGES OF THE DAY

Mid ka mid ah xaalka Somaliya ee maanta”’

Nolol maal meedka ayay ka mid noqotay masiibooyinkan oo kale in ay arkaan ama maqlaan Umada Somaliyed maalin walba.

Somali Dooni la degtay.
Somali Gaajo iyo Haraad u le’day.
Somali la xasuuqay.
Somali Dukaamadoodi la boobay oo lagu dhex gubay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Maamulkiisa eed malahan Badweyn dacdaro ah ayuu soo dhex istaagay meel uu isku qaado ma yaqaan in lagu eedayaa waa wax aan gadmayn.

Mida kaliya ee la dhihi karo saakay waa ka gaabiyeen ayaa ah in ay ka hadlaan oo diirada kusoo jeediyaan xasuuqa dadkaas,

In ay calanka hoos u dhigaan aas-qaran u sameeyaan ama meel lagu xasuuusto hadiiba la awoodo iyo in si rasmiya dawlada Yemen iyo sacuudiga looga codsado cadayn iyo faahfaahin cida ka danbaysa xasuuqan.

Waxaa sidoo kale arintan ka aamuskeeda lagu eedayn karaa Madaxda maamulada dalka iyo siyaaisyiinta hanku uga jiro hogaaminta Daka oo markay noqoto xiliyada kala goosiga aad loo maqlo codadkooda xiliyadan oo kalana aan la arag meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Bahda warbaahinta idilnews waxay codkooda  ku biirinayaan inta ka damqatay dhibaatadaa aadka u xanuunka badan ee shalay dhacday.

Waxaan tacsi u diraynaa qoysaskii ay sida gaar ah uga geeriyoodeen Dadkii dhacdadaas ku xasuuqmay iyo waliba kuwii dhaawaca kasoo gaaray.

Jibril Qoobey.

Be the first to comment on "Bahda idilnews oo qayb ka noqotay dadka ka Damqaday Xasuuqii Somalida ee Yemen"

Leave a comment