Madaxweyne Gaas iyo waftigisii oo Adis-Ababa ka degay guulna kala soo laabtay Dubai

Madaxweyne Gaas iyo waftigisii maalmahan Dubai u joogay shaqada waxay dib ugu soo laabteen maanta magaalada Adis-ababa ee Dalka Itoobiya ,halkaas oo la filayo in ay ilaa beri uga soo gudbi doonaan Puntland.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyayay garoonka diyaaradaha ee Bole Airport,waxaana kaga hortgaya garoonka masuuliyiin ka tirsan Dawlada Fadaraalka Itoobiya iyo safaarada Somaliya ee dalkaas.

Dhanka kale safarkii shaqo ee madaxweyne Gaas ee ku saabsanaa maalgashi loo helo kaabayaasha dhaqaalaha,ayuu kula soo kulmay shirkado waa weyn oo danaynaya maalgashiga Puntland,si gaar ah Madaxweyne Gaas ayaa kulan muhiim ah ku la qaatay Dubai shirkada DW ee maalgashata Dekedaha.

Kulankaas oo guul laga gaaray ayaa wada xaajood socday labo maalmood ugu danbayn waxaa laysku afgartay in shirkada DW lagu wareejiyo Dekeda Bosaso maamulkeeda,isla markaana ay maalgaliso oo balaarin iyo qalabayn ay ku samayso,iyadoo ku kharash garayn doonta dhaqaale gaaraya 280,000.000 oo Dolar.(Labo Boqol iyo sideetan Milyan oo Dolar).

Bishan 31-keeda ayaa lagu balamay in ay noqoto maalinta lakala saxiixan doono heshiiska,iyadoo inta ka horaysa mudadaasna laysku afgartay in lasii diyaariyo qodobada uu ka koobnaan doono heshiiskaas,iyadoo ay kawada shaqayndoonaan Qareemo ka kala socda labada dhinac ee Puntland iyo shirkada DW.

Shacabka Puntland ayaa aad uga war sugayay natiijada kasoo baxaysay kulamadaas,is afgaradkan ayaa ah mid ay soo dhaweyn doonaan oo farxad galin doona.

Jibril Qoobey.

 

3 Comments on "Madaxweyne Gaas iyo waftigisii oo Adis-Ababa ka degay guulna kala soo laabtay Dubai"

  1. Abdullahi Osman | March 18, 2017 at 7:45 pm |

    Mar la arko Itoobiyuu ku sii socdaa. Aad baan uga xumahay in Itoobiya oo cadaw Soomaaliyeed ah ay madaxdeedu ka dhigteen meel xaramka kaga qaalisan. Ogaada Itoobiya waxay inaka xumayso maahane haka yaabina inay wax inoo hagaajiso.

  2. Abdullahi Osman | March 18, 2017 at 7:46 pm |

    Mar la arko Itoobiyuu ku sii socdaa. Aad baan uga xumahay in Itoobiya oo cadaw Soomaaliyeed ah ay madaxdeenu ka dhigteen meel xaramka kaga qaalisan. Ogaada Itoobiya waxay inaka xumayso maahane haka yaabina inay wax inoo hagaajiso.

  3. Mohamed Jama | March 19, 2017 at 1:41 pm |

    Harga maranside howli kama harin safarna u dheer safar bilaa ujeedo iyo waxtar yari alow Na Astur adigaa awoodee Puntland Waa Ku hungowday doorashadii gaas

Leave a comment