Video:-Amaanka caasimada Garowe oo habacsanaanta laga saarayo

Wasiirka Amniga, gudoomiyaha gobolka,Gudoomiyaha degmada Garowe iyo taliyayaasha laamaha nabadgalyada Puntland ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda.

Shirkan oo ka dhacay Garowe, ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa  dal-daloola amniga ee muddooyinkan ka jiray magaalada.

Hadaba kulanka looga xaajoonayay amniga caasimada ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo muhiim ah ,kuwaasoo kala ah:-

 

1: In la qabto dhammaan dambiilayaasha oo kala ah Argigixisada, kuwa dadka baarta iyo kuwa dhulka lu haya boobka

2:-Laga bilaabo todobada bishaan qofkii lagu qabto hub isagoo aan shaqo ku jirin sharciga ayaa la horgaynaynaa, hubkana waa lagala wareegayaa.

Garoonka Kubbadda Cagta ee Mire Awaare ayaa lagusoo bandhigay ciidamada fulintoonta howgalkan oo qaadan doona muddo bilooyin ah.

Talyaha la dagaalanka argigixisada Puntland, General Muxiyadiin Axmed Muuse oo hogaanka hawlgalkan loo dhiibay,ayaa balan ku qaaday in uu gacan bir ku qabandoono burcadda dhibaatada ku haysa bulshada.

Muxiyadiin ayaa digniin u jeediyay cid walba oo ku howlan inay xagal daaciso ammaanka caasimadda Puntland, wuxuuna bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka