Dawlada Puntland oo digniin ka dirtay Ururka cusub ee Sacaadadiin Al Takfiiri

Shirka khamiislaha   ee gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo uu shir guddoominayay madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa lagaga hadlay arrimo  ay ka mid yihiin khatarta ka imaan karta urur diimeed cusub oo dhowaan ku soo kordhay Soomaliya, arrimaha amniga, abaaraha iyo xeerar la ansixiyay

War-murtiyeed laga soo saaray gabagabadii shirka ayaa lagaga digay khatar ay sheegeen inay ku soo korodhay Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dowladda federaalka, maamul goboleedyada kale ee dalka iyo culuma’udiinka Soomaaliya in si wadajir loo wajaho khatarta amniga iyo caqiido.

 “Ururka takfiiriga ah oo maalmahan ummadda soomaaliyeed kala hadlyay warbaahinta, iyagoo sheegay baaqyo kala dambeeyey oo ku saabsan caqiidada islaamka sidaa darteed owladda Puntland wacay ugu baaqaysaa dowladda federaalka Soomaliya, Maamuladda xubinta ka ah dowladda Federaalka iyo culumada Soomaaliyeed in si deg deg ah la iskaga kaashado si loo yeesho siyaasad mideynsan oo ku wajahan khatarta amnig iyo caqiiqdo oo ku soo korodhay gayiga Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.