Talye xigeenka NISA iyo Maareeyayaasha Garoonka iyo Dekeda Muqdisho oo la magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magacaabay Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxaana uu ka dhigay C/fitaax Ibraahin Cumar Shaaweey oo u dhashay Beesha Murusade.
 
Sidoo kale waxaa Xilalkii laga qaaday Maareeyaasha Garoonka iyo Dekedda,waxaana Maareeyaha Garoonka loo Magacaabay Mas’uul la yiraado Yuusuf Jaale, oo U dhashay Beesha Maxamed Muuse Galmaax Abgaal.
Halka Maareeyaha Dekedda loo Magacaabay Mas’uul la yiraado Axmed Washington oo U dhashay Beesha Mataan Cabdulle oo ka mid ah beelweynta Abgaal.