Madaxweyne Farmaajo oo la filayo in uu beri u anba baxo Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku sii jeeda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo maalinta berri uu booqasho ku tagi doono.
 
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar iyo nin la taliye u ah Madaxweynaha oo lagu magacaabo Balal Cusmaan ayaa la sheegay inay ka sii hormareen Wafdiga Madaxweynaha, si ay horu-dhac ugu noqdaan safarkiisa maalinta berri.
 
 
Booqashadan ayaa noqon doonta tii u horeysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Imaaraadka, tan iyo markii la doorto, sidoo kale waa booqashadii afaraad ee uu dalka uga ambabaxo muddo lixdan cisho ah oo uu xilka haayo.
 
Dawlada Fadaraalka Imaaraadka iyo Dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhex jiray xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay saldhiga Imaaraadka ka dhisanayaan Berbera, taasoo dowladdu aad uga soo horjeesatay.
 
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga uu ka shaqeeyay isu soo dhowaanshaha Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu horay Madaxweynuhu uu ka dalbaday in Sacuudiga ku taageero in Imaaraadka uu joojiyo saldhigga.
 
 
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kula kulmo magaalada Dubai madax ka tirsan dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo in Imaaraadku xiriir dhow oo saaxibtinimo la yeesho Madaxweyne Farmaajo.
 
 
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadeysa, xilli labo maalin ka hor magaalada Abu Dhabi heshiis ku kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World iyo Madaxweynaha Puntland, kaasoo ahaa heshiis lagula wareegayo Dekeda Boosaaso, laguna ballaarinayo.