Video:-Weerarkii bartamaha magaalada Stockholm oo nin loo qabtay

Maamulka dalka Sweden ayaa xiray nin ay aaminsan yihiin inuu ka dambeeyay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay Stockholm.

Dacwad oogayaasha waxay sheegayaan in ninkaasi looga shakiyay in uu argagixiso xiriir la leeyahay.

Warbaahinta dalka Sweden waxay sheegayaan in ninka oo 39-sano jir ah uu ka soo jeedo Uzbekistan.

Afar qof ayaa dhimatay 15 kalena way dhaawacmeen ka dib markii gaari xamuul oo la soo xaday la jiirsiiyay dad wado marayay.

Ka dib ninkii waday gaariga wuxuu ku dhuftay dhismo ku yaalla bartamaha magaalada Stockholm.

Gaariga xamuulka ah ee weerarka loo adeegsaday ayaa laga saaray dhismihii lagu dhuftay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka