Keating oo qayb ka noqday wadaxaajoodka Abu-dhabi uga socda Dawladaha Somaliya iyo Imaaraadka Carabta

Socdaalka Keating uu ku tagay Imaaraadka Carabta ayaa ka dambeeyay,markii Madaxweyne Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ay booqasho rasmi ah ku aadeen magaalada Abu Dhabi.

Waxaa jiray cabasho horay dowladda Soomaaliya u gudbisay dowladda Sacuudiga iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasoo ahaa saldhiga Milateri ee Imaaraadka ka dhisanayo Berbera.

Socdaalka Keating ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu qeyb ka yahay safarka Madaxweyne farmaajo uu ku tagay Imaaraadka,kaasoo ku aadan cabashada arrimaha Sldhiga Berbera iyo Labada Dekadood ee Bosaso iyo Berbera.

 

 

Micheal Keating ayaa la kulmay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha siyaasada ee Imaaraadka Carabta Ahmed Al Jarmani iyo madax kale, isagoo kala hadlay arrimaha Soomaaliya,isagoona kala hadlay arimahaas

 

 

Dhanka kale Micheal Keating ayaa waxay isku arkeen magalaada Abu Dhabi Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad,kulankaasoo qayb ka ahaa arimaha uu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne farmaajo ee  Saldhiga Milateri  Berbera, arrimaha labada dekedood, iyo faragalinta Imaaraadka ee arimaha somaliya.

 

 

Michael Keating wakiilka xoghayaha guud ee arimaha somaliya waxuu sidoo kale kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee degan ama ka ganacsada dalka  isu tagga Imaaraadka Carabta,kulankaas  ayaa qeyb ka ahaa arimaha  Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera iyo arimaha Dekedaha ee Bosaso iyo Berbera.

Dawlada imaaraadka Carabta ayaa horay u shaacisay in dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay wax ka og yihiin saldhiga Milateri ee ay Berbera ay ka dhisanayaan.