Madaxweyne farmaajo waaqiciga in uu wajaho waa muhiim.WQ.Jibril Qoobey

Madaxweynaha sida lama filaanka ah lagu doortay ee farmaajo ayaa ka war wareegaya ama aananba fahansanayn waxa dhabta ah ee Qaranimada somaliya hor taagan.

Somaliya malahayn dawlad dhexe oo xoog leh 26-kii sano ee lasoo dhaafay,marka laga saaro mida lagu ilaaliyo Villla Wardhiigley xiligan.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa ahaa bud dhigihii Villa wardhiigley Dawlad Somaliyed 15 sano kadib,isagoo kaashanaya dawladaha dariska la’ah Somaliya,gaar ahaan dawlada Itoobiya.

Inkastoo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf dib u furay Villa Somaliya 15-sano kadib ,isla markaana dib uga yagleelay Dawladnimadii hadana kama danbayn Madaxweynayaal halkaa kasii wada dadaalkiisii.

Waxaa ka danbeeyay laba dawladood oo ay kala hogaaminayeen labada Madaxweyne ee isku beesha ahaa waa Sh.Shariif iyo Xasan Culusow,majirin wax talaabo ah oo macno leh oo ay ku siyaadiyeen horu socodka nidaamkii Dawliga ahaa.

Taa badalkeeda Waxay ka dhigteen dawladnimadii mid ay ku qaraabtaan oo ay kaga qyabgalaan shirarka caalamiga ah,isla markaana ku Naas-Nuujiyaan beelahooda iyo xulufadooda siyaasadeed.

Waxay kusoo koobeen qaranimadii dalka nidaam ka jira xaafado Xamar kamid ah oo lahayste u ah beelahooda ,isla markaana lagu baarto beesha caalamka,somalida kalena lagu dulmiyo.

Markii laga so tago masuuliyintaas iyo xiligoodii waxaa si lama filaan ah kusoo baxay oo ku noqday Madaxweynaha Villa wardhiigley Madaxweyne farmaajo,kaasoo ay shacabka Somaliyed si weyn usoo dhaweeyeen una arkayeen isbadal ku yimid Villa Wardhiigley ,iyagoo u arkay fursad dahabiya oo dib loogu noolayn karo qaranimadii dalka ee lahaystaha u noqotay beesha Hiraab ama Mudulood.

Hadaba labo bilood kadib Madaxweyne farmaajo isbadalo iyo dhaqdhaqaaqyo xoog leh oo uu sameeyay waxaa muuqata in uusan hal talaabo horay u dhaqaaqin,inkastoo xiliga uu talada Villa Wardhiigley uu hayo ay kooban tahay, hadana ifa faalaha muuqda waa faashil iyo jugjug meeshaadii joog,

Madaxweynaha waxaa weerar siyaasadeed iyo mid amni kusoo qaaday bahaladii beelihii ay dawladnimadu lahaystaha u ahayd ka dhashay,kuwaasoo ku bahaloobay dhiiga umada kuna hantiyaystay xoolihii magaca somaliyed lagu helayay..

Waxay abaabuleen saxaafada,iyadoo si khaldan loogu kicinayo shacabka muqdisho,gaar ahaan beesha Hiraab ama Abgaal iyo Habargidir,

Waxay abaabuleen qaraxyo iyo dilal joogta ah oo tiro beel ah.

Waxay suuqa galiyeen oo dhagaha waxamagartada beelahaas ku shubeen 26-sano kadib in Madaxweyne Daarood ah ku xukumayo muqdisho..

Madaxweyne farmaajo oo waaqicigaas dhex taagan una jeeda meesha ay wax ka socon la’yihiin,ayaa hadana isna dhankiisa ku dhaqaaqay jiho kale oo sii murjinaysa qaranimadii rajada laga qabay,

Madaxweyne Farmaajo meeshii looga fadhiyay in uu booqdo D.Goboleedyada una hanbalyeeyo madaxda maamulada,isla markaana dhiirigaliyo bulshada ku nool Deegaamada ay ka arimiyaan ,kana shaqeeyo xoojinta midnimada shacabka iyo sidii ay horay ugu sii socon lahaayeen,ayaa taa badalkeeda Farmaajo waxuu bilaabay dagaal ka dhan ah Dawlad Goboleedyada iyo qorsha ay ka mid yihiin:-

A.In uu beesha caalamka kula murmo in aysan wax xiriir ah la samayn karin maamulada dalka.

B.In ay isaga soomaraan wax walba oo somaliya ay leedahay oo ay talada somaliya isaga kaliya ay ka go’do.

Qorshaha Madaxweyne Farmaajo oo ah mid aad uga fog waaqiciga dalka ka jira,ayaa god dheer kusii ridaya rajadii dawladnimo.

Hadaba hadii xaalku halkaa marayo Maxay tahay waxa laga rabo Madaxweyne farmaajo ama go’aamada ugu haboon ee uu qaadan karo:-

A.Madaxweyne farmaajo waa in uusan si khaldan ugu mashquulin Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada fadaraalka.

B.Madaxweyne farmaajo waa in uu maamulada madaxdooda soo dhawaystaa, kuna dhiirigaliyaa in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan adkaynta amniga,la dagaalanka argagixisada iyo adeega bulshada.

C.Madaxweyne farmaajo waa in uusan hor istaagin wax alaale iyo waxii mashaariic horumarineed ah oo meel somaliya ka mid ah laga hirgalinayo,xata hadii ay bahdil ku tahay maqaabka Dawlada Fadraalka isagoo tixgalinaya waaqiciga jira maanta.

D.Madaxweyne farmaajo waa in uusan u muujin xifaaltan iyo gees galin dawlad Goboleedyada ,kana shaqeeyaa midnimada bulshada ku hoos nool si ay horay ugu sii socdaan.

E.Madaxweyne farmaajo waa in uu wajaha waaqiciga,isla markaana qaataa kuwo lamid ah go’aamadii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ee khararaa,sida kii uu ku go’aansaday in Ciidamo shisheeye oo dalka la badbaadiya uu soo galiyo iyo go’aankisii labaad ee ahaa markii uu arkay dadaalkiisii hagardaamada xooga leh ee kasoo horjeeda uu ku go’aansaday in uu iscasilo.

Ugu danbayntii madaxweyne farmaajo waxaa looga fadiyaa in uu wajaho waaqiciga dalka ka jira ,isla markaana u qaato go’aamada ku haboon.

Jibril qoobey.