Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo u dhoofay magaalada muqdisho

Madaxweyne Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa saakay u anba baxay Magaalada Muqdisho.
 
Madaxweynaha oo ay garoonka kusii sagootiyeen Madaxda iyo qaybaha bulshada Gobolka Mudug,ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda gaaro Magaalada Muqdisho.
 
Madaxweyne Gaas ayaa socdaalkiisu ku salaysan yahay dhawr arimood oo muhiim ah oo uu kala xaajoon doono madaxda Fadaraalka,kuwaasoo ay ugu waa weyn yihiin:-
 
 
A.Heshiiskii Dekeda Bosaso ee Puntland iyo imaaraadka
 
B.Shirka London ee loo qabanayo Somalida.
 
C.Dib u dhiska Ciidamada Somaliya ee la qorshaynayo.
 
 
Waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uga gudbi doono Muqdisho,kadib marka uu dhamaysto kulamada Madaxda fadaraalka ah,Dalka Itoobiya .
 
La soco wararkayaga danbe iyo socdaalka Madaxweynaha waxii kusoo kordha.