Daacish oo markale qabsatay deegaamo ka tirsan Gobolka Bari

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in koox ka tirsan ururka Daacish ay la wareegeen deegaanka Saan oo ka tirsan degmada Qandala
 
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in kooxdan taageersn Daacish ay degaankaas kula wareegeen dagaal la’aan, kadib markii ay ciidamada Puntland halkaas isaga baxeen.
 
Dawlada Puntland ayaan illaa iyo hadda ka hadlin la wareegista kooxda taageersan Daacish ee deegaanka Saan.
 
Dhamaadka Sanadkii la soo dhaafay ayay dagaalyahano taageersan Daacish waxa ay la wareegeen degmada Qandala ee gobolka Bari, hase yeeshee labo bilood kadib waxaa kala wareegay ciidamada Puntland.
 
Dagaalyahano hore ugaga mid ahaa ururka ALshbaab ayaa sheegtay inay ku biireen ururka Daacish ayna ka baxeen ururka Alshabaab.