War deg-deg ah:-Afar Arday oo ku geeriyooday Hoobiyayaal lagu gaaracay qaybo kamid ah Muqdisho

Shan qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay, 7-kalena waa ku dhaawacmeen hoobiyayaal lagu garaacay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho.
 
Hoobiyayaasha ,ayaa qaybtood ku dhaceen Iskuul lagu magacaabo Xasan Qariidi, oo ku yaalla Xaafadda shanta-Geed, ee degmada Howlwadaag, waxaana uu dilay 5-qof oo 4-kamid ah ay arday yihiin..
 
Gaadiidka Gurmadka deg deg ah,ayaa gaarey goobta hoobiyayaasha lagu garaacay,waxayna daadgureeyeen dhaawacyadii.
 
Halka hoobiyayaasii kale ay ku dhaceen xaafad ku dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya,lamana soo sheegin khasaaro ay sababeen.
 
Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka, oo noqonaya midkii labaad oo mudo Todobaad ah ka dhacay magaalada Muqdisho,