Madaxweyne Gaas iyo waftigisii oo si maqaab sare leh loogu soo dhaweeyay Adsi-ababa

Madaxweyne Gaas iyo waftigisii oo si weyn oo maqaabkeedu sareeyo loogu soo dhaweeyay Adis-ababa caasimada Itoobiya.

Socdaalka Madaxweynaha ee itoobiya ayaa iskugu jira ka labao arimood oo kala ah.:-

A.Ka qayb galka shirka Tana Forum oo ay kasoo qayb gelidoonaan madax badan oo ka kala imaan doona dalalka Africa iyo caalamka kale

B.Kulamo u dhexayn doona Dawladda Puntland iyo Dawlada Itoobiya, kuwaas oo la xiriira iskaashiga labada dal .ee dhinacayada:-

1Ganacsiga

2.Amaanka

3.Mashaariicda horumarineed.

Shirka Tana Forum ee u dhexayn doona madaxda Qaarada Africa iyo kuwo caalamka kale ka socda,ayaa waxaa lagaga hadli doonaa xiriirada wadamada Qaarada Africa,ee dhinacayada:-

A.Siyaasada,

B.Amaanka

Sidoo kale waxaa dib loo milicsan doonaa wixii ka hirgalay qodobadii laga soo saaray shirkan kii ka horeeyey ee sanad kii hore ay yeesheen.

Shirka Bahardar ee Tana Forum ayaa socon dona mudo laba cisho ah,taasoo ku aadan 21 iyo 22-ka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirkaas ku matala Somaliya sanad walba,ayaa waxaa la filayaa in uu kaga hadli doono khudbadiisa shirkaas xaaladaha Amni iyo dhaqaale ee waddanka Soomaaliya,gaar ahaan Puntland, is bedelka siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya, saamaynta abaarta baaxada leh ee ka jirta Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiima

 

.