Ku xigeenadii Gobolka Banaadir oo goor dhawayd lagu dhawaaqay

Waxaa goor dhow lagu dhawaaqay Guddoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir uu yeelanayo iyo Xoghayaha Cusub ee Gobolka, iyadoo la bedelay afar Kuxigeen oo uu lahaa Gobolka iyo Xoghayihii Guud.
 
Is bedelka lagu sameeyay Kuxigeenadii hore ee Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa ahaa mid soo socday labadii todobaad ee u dambeeyay, waxaana ay qeyb ka aheyd is bedelkii uu ku yimid Guddoomiye Taabid.
 
Labo Haween ayaa ka mid ah Guddoomiye kuxigeenada cusub iyo Xoghayaha Guud, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo Haween ka mid noqdaan Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Banaadir.
 
Halkan hoose ka akhriso magacyada Kuxigeenada cusub iyo Xoghayaha Guud:-
 
Gudoomiye kuxigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir oo labadalay.
 
1- Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir
 
2- Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed
 
3- Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C/llaahi Xaaji Erig.
 
4- Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali
 
5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar