Video:-Donald Trump oo ka digay Dagaal weyn oo Niyuukleer ah oo ka qarxa caalamka

Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ka digay in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriya Waqooyi kaas oo salka ku haya hubka nukliyeerka ah.

Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu door bidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab dublomaasiyadeed, balse buu yiri ay adagtahay in laga guul gaaro.

Madaxweyne Trump waxaa kale oo uu bogaadiyay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping oo isku dayay buu yiri inuu cadaadis saaro dalka Kuuriyada Waqooyi.

Horaanna xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo la hadlayay telefishinka Fox news ayaa sheegay in dowlada Shiinaha ay uga digtay xukuumada Pyongyang cunaqabateyn lagu soo rogo haddii ay markale tijaabiso barnaamijkeeda nukliyeerka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka