Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo soo saartay Amaro lagu xaqiijinayo Amniga guud ee Magaalada Boosaaso.

1- Waa in dhammaan gaadiidka Plka ah ee loo yaqaan Caasiga, Dhikilooyinka iyo Taksiyada (Probox) loo sameeyo tirakoob lambaro u gaar ah, lana diiwaan geliyo milkiilaha iska leh gaadiidka iyo dareewalkaba lana helo damaanad adag.

2- Waa in Baaritaan Deg deg ah lagu sameeyo xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso, loona sameeyo 50-kii guriba guddi ka shaqeeya xaafadaha, lana helo wacyigelin joogto ah.

3- Waa in la sameeyo lambaro taleefoon oo ay si bilaash ah shacabku u soo wici karaan.

4- Waa in Dawladda Hoose ay xakamayso bixinta ruqsadda gaadiidka dadweynaha ee ka howlgalaya Degmada, tan iyo inta lagu jiro xaaladda sugidda amniga.

5-Shirkadda Al-Fatxi ee samaysa taarikooyinka gaadiidka waxaa la faray inay hubiso haysashada ruqsadda Dawladda Hoose ee gaadiidka dadweynaha inta aanay bixin lambarka