Madaxweyne farmaajo oo goor dhawayd kasoo dagay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxa uuna kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa soo gaabiyay safar uu shalay ku gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya , si uu uga qeyb galo aas qaran oo magaalada Muqdisho loogu sameenayo Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Cabaas Shiikh Siraaji oo xalay Muqdisho lagu dilay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya salaada janaasada iyo aaska loo sameenayo Wasiirkii howwlaha guud iyo Dib u dhiska sidoo kale ahaa Xildhibaan Qaran oo xalay Ciidamo katirsan dowlada Muqdisho ku dileen.

Waxaa xusid mudan in aan looga baran maxda somalida ee 26-kii sano ee lasoo dhaafay talada dalka soo haysay in ay usoo gaabiyaan safar dibadeed oo ku jiraan arimaha gudaha waxii kasoo kordha,waxayna talaabadan noqonaysaa mid madaxweyne farmaajo lagu amaani karo ,isla markaana muujinaysa masuuliyad qaran oo uu gartay.