Arin mucjiso ah oo lagu arkay Guri ku yaala Madhawaa

Wararka Ka Imaanaya Jasiirada Madhawa Ee Gobolka Jubadda Hoose Ayaa Sheegayo In Guri Ku Yaala Deegaankaas Ay Dhagxaan Ku Daadanaayaan Oo Aan La Aqoon Cida Tuuryeyneyso.

Waxaa La Xaqiijiyay In Shalay Saacadu Markay Aheed Sideeda Saac (02:00 pm) Oo Duhurnimo Reerkan Tuuryo Lagu Bilaabay Oo Dhagaxa Reerka Ku Dhacaayo Uu Kasoo Daadanaayo Saqafka Kore Ee Guriga.

Gurigan Ayaa La Sheegay Inuu Leeyahay Imaamka Masaajidka Ahna Macalinka Dhiga Ama Baraha Ka Ah Madarasada Kaliye Ee Ku Taala Jasiirada Madhawa.

Reerkii Degenaa Guriga Ayaa Si Dirqi Ah Looga Soo Saaray Goobta, Lama Oga Halkey Xaaladu Ku Dambeyni Doonta.