Hogaamiye ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay hawlgal ay fuliyeen ciidamada dawlada fadaraalka

Ciidanka dawladafadaraalka, ayaa dilay Hogaamiyihii Al-shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo maleeshiyaad kale oo la socday, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”

 Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Badil, waxaana Al-shabaab uu wakiil uga ahaa gobolka Shabeelada Hoose.

“5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Maclain Cismaan Cabdi Badil iyo seddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awooda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, taasoo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta soomaaliya.

Howlgalkan ciidanka ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta iney tahay mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab.